Faadumo Cali: Kalkaalisada Soomaaliyeed ee labo sano gudaheed ku noqotay milyaneer

Faadumo Cali, waa milkiilaha shirkadda Hoiwa oo ka shaqaysa arrimaha caafimaadka, balse labo sano ka hor waxay ahayd kalkaaliso ka shaqeysa isbitaal.

Hadal-haynta ku saabsan gabadhan ayaa warbaahinta qabsatay kaddib markii ay ku guulaysatay abaalmarinta sanadka ee shakhsiyaadka ganacsiga iskood u abuurtay ee waddanka Finland.

Guddiga abaalmarintan bixiya ayaa sheegay in ay Faadumo ku doorteen maadaama ay shirkaddeeda Hoiwa Oy shaqaalaysiisay tiradii ugu badnayd ee dadka qaxootinnimada kusoo galay waddanka, oo ah kuwa caqabadaha ugu adag kala kulma helista shaqada.

Sababta labaad ee lagu doortay waxay ahayd in shirkaddeeda ay shaqaalaha siiso mushaar ka badan midka caadiga ah, iyo in ay xuquuq badan ku helaan goobta shaqada.

"Aqoonsigan billadda la igu siiyay wuxuu muujinayaa in carruurta qaxootiga ah ay awoodi karaan inay guulo ka gaaraan Finland gudaheeda, dadka kalena fursado u abuuri karaan," ayay ku tidhi khudbad ay ka jeedisay xalfladda lagu guddoonsiiyay abaalmarinta.

Maxay ahayd tallaabadii ay qaadday?

Waraysi ay Faadumo siisay warbaahinta Suomen Yrittäjät ayay ku sheegtay in "markii ay bilaabaysay aasaaska shirkaddeeda ganacsiga ay go'aansatay inay ka tagto shaqadeeda kalkaalisannimo, dadkuna ay aad ula yaabanaayeen, iyagoo u malaynayay inay tahay qof waalan".

Hadda waxaa u suurtagashay inay kobac degdeg ah samayso, shaqaalaheedana waxaa ka mid ah dadka soo galootiga ah ee u baahan garab qabashada.

Shirkadda Hoiwa oo la abuuray 2020-kii waxay labo sano kaddib soo xaraysay lacag malaayiin eros ah.

Hoiwa shaqadeedu waa hannaan ganacsi oo ay kalkaaliyeyaal ugu diraan xarumaha caafimaadka iyo isbitaallada shaqaalaha caafimaadka raadinaya, sidaasna waxay ugu fududeysaa helista xirfadleyaal la hubo.

Ilaa toban qof ayaa ka shaqeeya xafiiska, liiska shaqadana waxaa ugu jira in ka badan 2,500 oo xirfadleyaal caafimaad ah oo tababaran, dowladdana ka diiwaangashan.

Faadumo oo markii hore qaxootinnimo ku tagtay dalka Finlad ayaa hadda hoggaamisa mid ka mid ah ilaha shaqo abuurka sameeya ee dalkaas.

Khudbad ay maalintii Talaadada ahayd ka jeedisay munaasabadda lagu guddoonsiiyay abaalmarinta ayay ku tidhi: "Waxaan abaal wayn u hayaa Finland, oo ah waddanka aan imid 32 sano ka hor anigoo gabar yar ah. Dalkan wuxuu i siiyay fursado cajiib ah, intii karaankayga ahna waan ka faa'iidaystay fursadahaas."

 

xigasho BBC

Category