Madaxweynaha Jsl Oo Xisbiyada Mucaaridka Ugu Hambalyeeyay Guulihii Ay Ka Gaadheen Doorashooyinkii  Wakiilada Iyo Deegaanka

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xisbiyada mucaaradka Somaliland ugu hambalyeeyeen guulihii ay ka gaadheen doorashooyinkii isku sidkanaa ee wakiilada iyo Deegaanka, isagoo sheegay in Somaliland dimuquraadiyadda kaga duwan tahay waddamada kale ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guul ay Somaliland u tahay in madaxda axsaabta kala duwani ay goob kasta wada joogaan, isla markaana tar tamaan, kala badiyaan, haddana is ku hambalyeeyaan.

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Waxan aad ugu mahadnaqayaa xisbiyada mucaarad ka ah, in ay soo adkaysteen, doorashadii adkayd ay soo galeen waliba guulo ay gaadheen waan ugu hambalyaynayaa, oo maanta xilkii ila wadaagaan, wax fiican in aad keentaan baan idinku dhiirinaya dalkana aan wada dhisno”

Madaxweynaha ayaa sheegay in guul ay Somaliland u tahay in madaxda axsaabta kala duwani ay goob kasta wada joogaan, isla markaana tar tamaan, kala badiyaan, haddana is ku hambalyeeyaan.”Guulaha Somaliland gaadhay waxa kamid ah in ay maanta halkan wada joogaan, oo ay goob walba wada joogaan, oo ay tartan galaan oo ay kala badiyaan, oo ay haddana is hambalyeeyaan axsaabta Somaliland iyo madaxdoodu, iyagoo walaalo ah oo midaysan”

Madaxweyne Muuse Biixi isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray.”In badan oo jaar keena ah ayaan intaa haysan, mucaarad iyo muxaafad waa wada Somaliland, waxa laysku hayaa waa anaa kugu dhaama talada iyo anaa kugu dhaama, waa in yoolkeenu ahaado Somaliland mid ah, Somaliland walaalo ah, Somaliland aan kala qo qobnayn”

Madaxweynaha Somaliland iyo madaxda axsaabta mucaaradka Somaliland ayaa ka wada qayb galay, xaflada qalinjabinta dufcadii 19-aad ee ka baxda Jaamacadda Hargaysa, oo ka kooban 1,157 arday oo dhamaystay herarka kala duwan ee waxbarashada jaamacadda.

 

Category