Odensa. Denmark: NIN LAGU TOORIYEEYEY KURSIGA TIMO JARAHA KORKIIS

RH: Waxaa la sheegay in nin Soomaaliyeed lagu tooreeyay isagoo kufadhiya kursiga timajaraha gudaha xarunta ganacsiga ee Vollsmose Torv ee magaalada Odense. Sida laga soo xigtay wargeyska Fyns Stiftstidende, Milan Seyfabad oo ka tirsan booliska gobolka Fyn ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi dhacay.

Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in tooreeynta ka dhacday xarunta ganacsiga ay sabab u tahay khilaaf dhaqaale.

Ninka la tooreeyay ayaa ah nin Soomaali ah sida uu wargeyska B.T. sheegay. Booliska ayaa cadeeyey in ay heleen wicitaan ku saabsan "dagaal" saacaddu markay ahayd 12:19 duhurnimo, waxayna boolisku gaareen goobta laba daqiiqo kadib halkaas oo ay ku arkeen ninka la tooreeyay, kaasoo loo qaaday isbitaalka Odense University Hospital (OUH).

Booliska ayaa wali ku sugan xarunta ganacsiga Vollsmose Torv sababo la xiriira dhacdada. Waxaa sidoo kale la sheegay in ninka la tooreeyay markiiba loogu sameeyey qaliin isbitaalka Odensa, xaaladiisuna  haatan way soo hagaagtay.

 Aagga ku dhow xarunta ganacsiga ayaa la xiray kadib weerarka.

Warkan ayaa la daabacay 19.may.2024

 

Category