Raggii ku eedaysanaaa dilka dhakhtar iyo macallin walaalaha ahaa oo la toogtey

Dhuusamareeb (RH)-Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamul-gobaleedka Galmudug, waxaa maanta oo Khamiis ah dil toogasho ah lagu fuliyay raggii dilay macalinkii iyo dhakhtarkii walaalaha ahaa oo dabayaaqada sannadkii horre la dilay.

Toogashada ayaa lagu fuliyay Nuur Cabdi Maxamed, Shuceyb Maxamed Faarax Aadan, iyo Bile cabdullahi Xasan, kuwaa oo horre udilay Dr Axmed Xasan Cusmaan iyo Macallin Axmed Xasan Cusmaan oo ahaa walaalo.

Lamaaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa soo qabtey dhowr maalin kadib markii dilka u dhacay raggan ku eedaysanaa in ay dileen labo wiil oo walaalo ah oo kala ahaa dhaqtar iyo macallin dugsi kuwaas oo lagu dilay xilli  habeen oo ay jiifeen gurigooda oo ku yaalla deegaanka Ilix oo qiyaastii 40 km bari kaga beegan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dilalka ku salaysan aanooyinka qabiilka ayaa muddooyinkii danbe kusoo noqnoqday deegano ka tirsan maamulka Galmudug.

Dr Axmed Xasan iyo macallin Liibaan Xasan ayaa ahaa laba da’ oo isku xigtay oo 30 sano iyo 28 sano ayay kala jireen.

Waxaana dilkooda ka naxay deeganka oo sheegay haddii aan wax laga qaban in ay aafo reebi karaan.

Raggii ku eedaysanaaa dilka dhakhtar iyo macallinka walaalaha ahaa oo la toogteyRaggii ku eedaysanaaa dilka dhakhtar iyo macallinka walaalaha ahaa oo la toogteyRaggii ku eedaysanaaa dilka dhakhtar iyo macallinka walaalaha ahaa oo la toogtey

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category