Warar dheeraad ah Hoggaamiyihii Daacish ee Soomaaliya oo la dilay

Nairobi (RH)-Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay dileen hoggaamiye sare iyo xubno kale oo ka tirsan ururka Daacish ee Soomaaliya, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen buuraha Cal-Miskaan ee ku yaalla maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xubnaha hawlgalkaas lagu dilay uu ku jiro Bilaal-al-Sudani oo ah, hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

"Bishan January 25-keedii ayaa amar ka yimid Madaxweynaha, wuxuu milateriga Maraykanku uu hawlgallo gaar ah ka fuliyey Soomaaliya, halkaas oo lagu dilay xubno ka tirsan Daacish, oo uu ku jiro Bilaal-al-Sudani, oo ah hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, ahaana fududeeye muhiim ah oo ka tirsan shabakadda caalamiga ah ee Daacish" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed uu soo saaray wasiirka difaaca ee Maraykanka Lloyd J. Austin III.

Sarkaal sare oo Maraykanka ah ayaa sheegay inay al-Sudani la dhinteen illaa toban xubnood oo kale, inkasta oo Maraykanku doonayey inay qabtaan hoggaamiyaha Daacish, balse maleeshiyaadka la joogay ayaa sameeyey falcelin. Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inaanu jirin wax khasaare ah oo soo gaadhay ciidamadii Maraykanka ahaa ee hawlgalkaas ka qayb qaatay.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in al-Sudani uu ka masuul ahaa kobcinta iyo joogitaanka sii kordhaya ee ururka Daahish ee qaaradda Afrika iyo weliba maalgelinta hawlgallada kooxda ee adduunka oo dhan, oo ay ku jirto Afghanistan.

"Tallaabadani waxay kor u qaadaysa ammaanka iyo bedqabka Maraykanka iyo saaxiibadiisa, waxayna ka tarjumaysaa sida ay nooga go'an tahay in aan Maraykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo debeddaba." ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Maraykanka ayaa sheegtay inaanay jirin dad rayid ah oo wax ku noqday hawlgalkan. Waxayna u mahadceliyeen laamaha ammaanka ee Maraykanka, kuwa sirdoonka iyo saaxiibada ee kale ee ka taageeray hawlgalkan guulaystay.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay hawlgalkan la socodsiisay dawladda Soomaaliya, sidoo kalena la taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo ku sugan dalkan Maraykanka ayaa soo dhoweeyey hawlgalkaas.

La taliyaha amniga qaranka ee Soomaaliya ayaa u sheegay VOA in dawladda Soomaaliya ay soo dhoweynayso in la ugaadhsado hoggaanka sare ee kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya, isagoo sheegay inkasta oo Daacish aanay saamayn badan ku lahayn, haddana ay suuro gal tahay in khatarta ururkaasi inuu soo weynaan karo.

Xigasho: VOA

Category