Warbixinta:-Shilal Gaaddiid Oo Ka Dhacay Qaar ka mid ah Magaalooyinka Dalka

Hargeysa(RH):-Taliska Ciidanka Booliska qaybta Nabadgalyada Waddooyinka Somaliland ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixiyey khasaaraha ka dhashay shilal gaadiid oo saacaddihii ina dhaafay is xig-xigay oo ka dhacay qaar ka  mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka gaar ahaana magaalooyinka Hargaysa, Boorama, Berbera,

Warbixinta Taliska Ciidanka Booliska qaybta Nabadgalyada Waddooyinka Somaliland la wadaagay Bulshada Somaliland ayaa kala ahaa:-.

Hargaysa : 6 Shil ayaa ka dhacay , kuwaasi oo ay sababeen gaaddiid kala duwan , waxa ku dhaawacmay 5qof wax dhimasha ahiina ma jiraan , sidoo kale Burbur Maaliyaddeed ayaa jira oo Gaaddiidka ah.

Boorama : 1 Shil ayaa ka dhacay kaasi oo uu sababay gaadhi dhacay , waxa ku dhaawacmay 9 qof , wax dhimasha ahina ma jiraan.

Berbera: 1 Shil ayaa ka dhacay oo ka dhashay laba gaadhi oo isku dhacay waxaana ku dhaawacmay 3 Qof , wax dhimasha ahina  ma jiraan.

Ciidanka Nabadgelyada waddooyinka  ayaa bulshada faray gaar ahaan wadayaasha Baabuurta inay taxadar iyo masuuliyad muujiyaan, sidoo kale dhimaan xawaaraha gaaddiidka.

Cidii awaamiirtaas qaadan waydana , waxaa ciidamada Nabadgalyada waddooyinku sheegeen inay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan.

.

 

Category