Xisbiga Waddani Oo Doortay Hoggaan Cusub

Hargeysa(RH):-Shirweynihii labaad ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa maanta lagu soo gabogabeeyey Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa, waxana lagu doortay hoggaanka xisbigaas ee shanta sannadood ee soo socda hoggaamin doona xisbigaas.

waxaa shirweynahaasi Guddoomiyaha xisbiga WADDANI u doortay Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay u codeeyeen 1225 ergay, halka ay diideen 9 xubnood, 3 Kalena ay ka aamuseen.

Sidoo kale, waxa shirweynahan lagu doortay lix guddoomiye ku-xigeen oo xisbigaasi yeelan doono kuwaadi oo kala ah Milgo Maxamed Cilmi,  Abubakar Cabdiraxmaan Good, Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje), Maxamed Xaaji Yuusuf  Axmed (Waabeeye), Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac, Xuseen Cabdi Boos.

rtg

Waxa kaloo shirweynuhu doortay Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo xilkaas dib loogu doortay, halka Xoghaye ku-xigeenka WADDANI loo doortay Jamaal Jaamac Xaamud.

Shirweynaha labaad ee xisbiga WADDANI Waxa kaloo lagu ansixiyey wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyey Xeerka Xisbigaas, waxana ogolaaday wax ka beddelkaas 1210 ergay, waxa diiday 8 xubnood, waxana ka aamusay 3 xubnood.

Guddoomiyaha cusub ee xisbiga WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ergada shirweynaha uga mahadceliyey kalsoonida ay siiyeen, waxaanu balan-qaaday inuu si daacadnimo ah ugu adeegi doono midnimada iyo wadajirka xisbigaas.

 

Category