Xukuumada Jsl Oo Go’aamo ka Soo-saartey Xaaladaha Abaaraha iyo Sicir-bararka

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir-guddoomiyey shir ballaadhan oo ay yeesheen guddida dhaqaalaha ee golaha wasiirrada Somaliland, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo  kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda Abaarta, Sicir-bararka waddanka ka jira iyo baahida loo qabo sidii maal-gashi loogu heli lahaa kheyraadka dabiiciga ah ee uu dalku leeyahay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo madaxweynaha kulanka ku wehelinayey, ayaa markii uu shirku dhammaaday ka warbixiyey waxyaabihii kulanku ku saabsanaa, waxana uu sheegay in xukuumaddu ka damqanayso culayska ay bulshada ku keentay sicir-bararka, abaarta iyo xaaladaha kale ee dalka ka jiraa, lana soo jeediyey in bulshada laga rabo isku tasho iyo diyaargarow buuxa oo xaaladdan adduunka oo dhan ka taagan ay saamaynteeda ugu diyaar garoobayaan, waxana uu yidhi, “Sida Ummadda reer Somaliland la socoto xaalad adag baa sannadkan jirta oo Abaraha Geeska Afrika oo dhan aynu la qabno, iyadoo gu’ugii hore inagu yaraa haddana gu’ugii maanta uu aad iyo aad u yaraaday, dad iyo duunyaba ay saamayn ku yeelatay abaartaasi waxaa la rog-goray oo laysla gartay in marka koobaad Ummadda reer Somaliland u diyaar garowdo xaaladda isku tashi oo ah tu shaqsi iyo tu bulshaba in ummadda reer Somaliland u diyaar garowdo.”

Madaxweyne ku xigeenka oo sii wata hadalka ayaa sheegay in shirkaa lagu faaqiday sidii maal-gelin loogu heli lahaa Kheyraadka waddanka, “Waxaa kale oo laysla soo qaaday sidii aan u heli lahayn mucaawinooyin wax-tar ah oo dadkaa dhibaatada lagaga samata bixin karo, dawladdaha aan saaxiibada nahay, hay’addaha caalamiga ah iyagana sidii hawshaa looga hawl-geli lahaa, waxa kale oo laga wada hadlay in wixii xukuumadu ama dawladdu miisaaniyadda suura-gal noqon karaya haddii xaaladu sii adkaato in lagu xisaabtamo in xagga mashaariicda horumarinta la hakiyo, mudada lixda bilood ee danbena wax lagaga qabto xaalada abaaraha,” ayuu yidhi mudane Saylici.

Dhanka kale, madaxweyne ku-xigeenku wuxuu xusay in Xukuumaddu dedaal weyn ku bixisay wax ka qabashada Sicir-barbarka, iyadoo dawladdu ay cashuurta ka dhaaftay Raashinka daruuriga ah 10%, waxaanu yidhi “Arrinta sicir-bararku waa wax caalamiya oo adduunyada oo dhan saameeyey xukuumad ahaana lama yaraysan wixii laga qaban karayey waa laga qabtay, waad la socoteen in raashinka daruuriga ah 10% laga dhimay, markii uu shidaalkii kacay wuxuu taabtay waxkasta oo daruuri ah iyo waxaan ahaynba, sidaa darteed waxaan u baahanahay in ganacsatada iyo xukuumaddu inay iska kaashadaan.”

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu dul istaagay  muhiimadda ay leedahay  in ilaha dakhli ee dalku leeyahay  maal-gelin dhaqaale  loo helo, xukuumad ahaanna ay taas dedaal badan gelin doonaan, soo talooyin m uhiim ah oo ay guddida dhaqaaluhu soo jeediyeenna si hufan loo dabbaqi doono.

 

Category