Xukuumadda Somaliland Oo ka Hadashay Tabashada Axsaabta Mucaaridka ee Furista Ururada

Hargeysa(RH):-Wasiirka wasaarada Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland  Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka hadlay xaaladda siyaasaddeed ee dalka Somaliland, isaga oo tilmaamay in la joogo xiligii dalku hore u socon lahaa, isla markaana la ilaalin lahaa wada jirka iyo nabadgelyadda dalka, isla markaana si xasiloon  loo wada hadli lahaa.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu cadeeyey in dalka Jamhuuriaydda Somaliland uu degan yahay isla markaana ay shacabka reer Somaliland 97% codad gaadhaaya ku ansixiyeen dastuurka dalka, kuwaas oo ay khasab tahay in ummadu ay raacdo isaga iyo xeerarka ka dheegma,waxaanu intaas ku daray in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xukuumaddiisu ay diyaar u yihiin in ay doorashooyin dalka ka qabtaan.

Waxa uu sidoo kale Wasiirku ka hadlay arrimaha Koomiishanka doorashooyinka Somaliland oo uu sheegay in aanay jirin meel xukuumadda Somaliland iyo madaxweynaha qaranku ku faro geliyey Koomiishanka,waxaanu intaas ku daray in ay iyagu laba dhinac u kala jabeen,kuwaas oo wada shaqayn waayey, isla markaana madaxweynaha warqad u soo qoray,waxaanu cadeeyey in madaxweynaha Somaliland uu sharcigu siinaayo marka ay arrintan oo kale timaado in uu sameeyo wixii sharcigu u ogol yahay oo ah in uu u magacaabo,una diro Guddi Madaxbanaan.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ,wasiirka wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland waxa uu sidoo kale ka hadlay diidmada xisbiyada mucaaridka ah ee habka kala horeynta doorashooyinka madaxtooyadda iyo ururadda siyaasadda, waxaanu tilmaamay in ummada reer Somaliland ay tahay ummad uu sharcigu hago,isaga oo intaas ku daray in qofka kowaad ee ilaaliya sharciga dalku in uu yahay madaxweynaha JSL iyo xukuumadiisa ,waxaanu cadeeyey in sharciga furista ururadda siyaasaddu uu yahay mid waajibinaaya in tobankii sannoba mar la furo ururadda siyaasadda,waxa uu intaas ku daray in muwaadiniin badan oo xaq u leh in ay ururo furtaan in ay xuquuqdan lee yihiin, isla markaana ay maanta in lix urur in ka badan lagu dhawaaqay,waxaanu cadeeyey in aanay jirin cid is hortaagi karta sharciga furista ururadda ,madaama oo uu yahay sharci dastuuri ah.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu cadeeyey in la qabanaayo doorashadii furista ururadda siyaasadda iyo doorashadii madaxtooyaddaba,waxaanu tilmaamay in xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay doorashooyinka qaranka qabato waqtigeeda,isaga oo sheegay in xukuumadda Somaliland ay hore usoo qabatay doorashadii ugu adkay ee Goleyaasha wakiillada iyo Deegaanka oo ahaa kuwo isku sidkan,kuwaas oo ay maayiradii dalka iyo hogaanka gollaha Wakiilladaba ku guulaysteen xisbiyada mucaaridka ahi,waxaanu intaas ku daray in ay doorashadan qaban doonaan oo ay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Hogaamiyaa ay diyaar u tahay.

Category