Maxaa ka jira Turkiga inuu ciidamo geeyay Soomaaliya?

Muqdisho (RH)-Toddobaadkan, gudaha Soomaaliya waxaa si qarsoodi ah u yimid ku dhowaad kun askari oo ah ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah, kuwaas oo ka socda dowladda Turkiga. Imaanshahooda looma marin habraacii dastuuriga ahaa ee dalka, mana jirto wax war rasmi ah oo laga bixiyay ajandahooda, ujeedadooda, iyo muddada ay joogayaan.

Arrintan waxay su’aal adag gelinaysaa madax-bannaanida iyo masiirka dalka. Baarlamaanka Soomaaliya lama soo hor dhigin wax heshiis ah oo ku saabsan joogitaanka ciidamadaas, waxaana muuqata in go’aanka lagu keenay uu yahay mid ku kooban dhowr masuul, iyadoo la sheegay in xogta rasmiga ah ay og yihiin kaliya Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar hoose oo laga helay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi loo keenay si ay u ilaaliyaan xarumaha istaraatiijiga ah ee Turkigu ku leeyahay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ganacsiga iyo tababarka.

Tallaabadan waxay muujineysaa in dowladda hadda jirta ay si iskeed ah uga leexatay daahfurnaantii iyo isla xisaabtankii looga baahnaa arrimaha la xiriira amniga qaranka. Waxa kale oo ay cabsi gelinaysaa shacabka Soomaaliyeed oo aan la ogeysiin cidda dalka imanaysa, sababta ay u imaanayaan, iyo doorka ay ku leeyihiin arrimaha gudaha.

W/Q: Cabdijaiil Cismaan

Saxafi mada bannaan

Category