Hargeysa Oo laga Daah-furay Xarunta Maaraynta Biyaha Dhulka Hoostiisa iyo Biyo-xidheennada

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay xarunta cusub ee maaraynta biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo biyo-xidheennada oo ay hirgelisay wakaallada biyaha Hargeysa.

Munaasibadda xadhig-ka-jarista xaruntan cusub, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, maareeyaha wakaallada biyaha Hargeysa, safiirro, aqoonyahanno iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Ugu horrayn maareeyaha wakaallada biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood oo madasha hadalkeeda daah-furay, ayaa si qoto dheer u sharraxay marxaladihii kala duwanaa ee ay wakaalladu usoo maratay horumarka ay haatan gaadhay, waxana uu caddeeyey in dhammaan agabka qaaliga ah ee ay wakaalladu soo bandhigay laga soo iibiyey cashuurta muwaaddiniinta, islamarkaana aanay jirin dawlad shisheeye oo gacan inaga siisay.

Ergeyga madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa iyaduna dhankeeda sharraxday muhiimadda ay biyuhu u leeyihiin nolosha, waxana ay maareeyaha wakaallada Biyaha Hargeysa iyo madaxweynahaba ku ammaantay sida ay ugu hagar baxeen horumarka ay wakaalladu gaadhay iyo dedaalka ay ugu jirto sidii ay caasimaddu u heli lahayd biyo ku filan.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan), ayaa isaguna dhankiisa hambalyeeyey guusha ay gaadhay wakaalladda biyaha Hargeysa, isaga oo hoosta ka xarriiqay in markasta oo cashuurta la tashiilo horumarkaas iyo mid la mid ahba la gaadhayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey horumarka wakaallada biyaha Hargeysa, waxana uu tilmaamay inay wakaalladdu gaadhay marxalad aad muhiim ah, kana faa’iidaysatay lacagihii ay yaraa ee ay bulshada ka qaaddday, waxana uu ku tilmaamay hay’ad u qalanta inay higsadaan hay’adaha kale ee qaranku leeyahay.

Madaxweynuhu waxa uu si guud u bogaadiyey shaqaalaha wakaalladda biyaha, maareeyahooda iyo cid kasta oo gacan ka geysatay inay wakaalladdu horumarkaas samayso,“Waxan aad u hambalyeynayaa wakaallada biyaha, shaqaalaheeda oo dhan, maareeyaheeda iyo cid kasta oo gacan ka siisay aqoon iyo tayo si ay heerkan maanta usoo gaadhaan, maamulkooda iyo qalabkooduna uu yahay mid ku dayasho leh oo hay’ado badani ku dayan doonaan,”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hormeer kooban ku sameeyey agabka iyo gaadiidka kala duwan ee ay wakaalladdu dhawaan soo iibsatay iyo dhismaha loo bineeyey inuu xarun u noqdo maaraynta iyo deraasadaynta biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo biyo-xidheennada, isaga oo bulshadana usoo jeediyey inay ku dedaalaan sidii loo qabsan lahaa biyaha roobka ee badda galaya, si looga badbaado biyo yaraanta iyo abaarta soo noqnoqota ee dalka ka jirta.

 

Category