Nuxurka Kulan Dhexmarey Gudida Doorashooyinka Iyo Wafti Ka Socday Waddamada Somaliland Ka Tageera Doorashooyinka

Hargeysa(RH):-Gudida Doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa shir kula yeeshay wafti-sare oo ka socday waddamada Jamhuuriyada Somaliland ka tageera arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyada– kuwaas oo ka kala socday midowga yurub(EU), UK, Sweden, Norway, Finland, Denmark iyo Germany.

gf

Gudida Doorashooyinka qaranka Somaliland iyo Madaxdan ka socotey qaandhaan-bixiyayaasha dalalka caalamka ee Somaliland ka tageera arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyada ayaa intii uu socday waxaa si qoto-dheer loogu lafo-gurey arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka fooda inugu soo haya ee ka qabsoomi doona Somaliland  iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa bilaabidda diiwaangelinta codbixiyayaasha, loona xoojin lahaa hannaanka dimoqraadiyadda Somaliland iyo wada shaqaynta Somaliland iyo beesha caalamka.

gt

Gudida Doorashooyinka qaranka Somaliland ayaa dhinacooda waftigan  uga warbixiyey qorshayaashooda shaqo ee ku aadan arrimaha diiwaangelinta iyo doorashooyinka ee lagu wado inay dalka Somaliland ka dhacaan ,waxayna Gudida Doorashooyinka Somaliland waftigan ka dalbadeen sidii ay u taageeri lahaayeen shaqada Gudida Doorashooyinka qaranka Somaliland

hfrtjgfgggytyhgddee

 

Category