Odoroska Miisaaniyadda 2022-Ka  Oo La Hor-Geeyey Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland ayaa  Gollaha Wakiilada Jsl U Gudbisay Odoroska Miisaaniyadd Sanadeedka 2022.

Fadhigan maanta ee Golaha Wakiillada Somaliland oo uu Shir-Guddoominayey Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Jsl  Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa waxa Mudaneyaasha Golahaas ka hor akhriyey warbixinta guud ee odoroska Miisaaniyadda Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire, isaga oo si guud u dul maray waxyaabaha ay xambaarsan tahay Miisaaniyadda uu Golaha Horkeenay.

Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa is dul taagay meelaha ay mudnaanta siiyeen iyo mashaariicda ku jirta Miisaaniyadda.

Miisaaniyadu waxay ka koobnayd laba buug; ka dawladda dhexe iyo ka dawladaha hoose iyo hay’adaha madaxabanaan. Buuga miisaaniyada dawladda dhexe guud ahaan wuxuu koobanyahay 5 qaybood:

Miisaaniyadda dawladda dhexe ee sannadka 2022 waxay dhantahay Slsh.2, 410 (Laba Tirillion, afar boqol iyo billion). Waxay miisaaniyadii 2021 dheertahay 11%. Marka lagu daro miisaaniyadda dawladda hoose oo dhan slsh5,29b, iyo miisaaniyada hay’adaha madax banana oo dhan slsh2,77b iyo mashaariicda ay hay’aduhu maal-geliyaan oo dhan slsh2,32b, waxay miisaaniyadda 2022 wadarahaan tahay Slsh 3,447b taasoo miisaaniyaddi 2021 ka badan 17%.

SIYAASADDA MIISAANIYADDA

Miisaaniyadaya 2022 waxaa hogaaminaaya siyaasado iyo himilooyin ay ka mid yihiin:

1. Isu dheelitirka dakhliga iyo kharashka (Balanced Budget).

2. Xakamaynta sicir bararka

3. Ilaalinta qiimaha shillinka

4. Xoojinta amniga

5. Qabashada biyaha roobka

6. Ku talo galka abaaraha

7. Kor u qaadida adeegyada caafimaadka iyo wax barashada

8. Dhiiri gelinta wax soo saarka

9. Ilaalinta deegaanka

10. Xoojinta raadinta ictiraafka

11. Dhismaha Kaabyaasha

12. Qabashada doorashooyinka

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo odoroskan Miisaaniyaddu noqonaya tii u horreeysay ee la horkeeno, ayaa su’aallo gaadhaya 70 su’aalood ka weydiiyey Wasiirka Maaliyadda iyo masuuliyiinta Wasaaraddaasi ee la socotay Miisaaniyadda la horkeenay iyo qaabka ay u soo diyaariyeen.

Xildhibaannada, ayaa su’aalahooda ku qotomeen xaaladdaha kala duwan ee dalka iyo miisaaniyadda la horkeenay qaabka ay isu waafaqayaan, waxaanay qaarkood weydiiyeen deegaannada laga soo doortay duruufaha ka jira ee abaaruhu ka mid ka yihiin iyo sida aanay dhaqaale badani ugu jirin miisaaniyadda.

Category