Somaliland Oo Fariin U Dirtey Dowlada Shiinaha

Hargeysa (RH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay in aanay dawladda Shiinuhu u yeedhin karin dalkiisa cidda ay la yeelanayaan xidhiidh diblomaasiyadeed maadaama oo JSL tahay dal madax-bannaan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland oo ku gudo jira booqasho rasmi ah oo wefti uu hoggaaminayey ay ku tageen dalka Taiwan, waxa uu jawaab ka bixiyey dawladda Shiinaha oo naqdiday socdaalka ay ku tageen Magaalada Taipei ee dalka Taiwan.

waxaanu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud caddeeyey in Somaliland ay dal ahaan dhalatay iyadoo xor ah isla markaana ay xor  u tahay cidda ay la yeelanayso iskaashi ganacsi iyo mid diblomaasiyadeed.

Wasiirka Arrimaha dibaddu wuxuu intaas ku daray inay Somaliland la macaamilayso cid kasta oo xushmaysa madax-bannaanida dalkiisa oo doonaysa inay xidhiidh ganacsi yeeshaan iyadoo aan lagu xidhaynin wax shuruud ah.

Geesta kale, Wasiirka horumarinta maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in aanay Somaliland wax deyn lacageed ah weydiisan Taiwan.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan ayaa yeeshay cilaaqaad iyo xidhiidh saaxiibtinimo sannadkii 2020kii, waxaanay isweydaarsadeen laba safaaradood oo ay ka kala furteen labada dal.

Category