Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Waxaa  maanta si nabada oo xasilooni ku dheehantey looga ciiday gobolada,Degmooyinka iyo guud ahaan deegaanada kala duwan ee Jamhuuriyada Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda ciidal Fidriga oo maanta laga oogay guud ahaanba dalka Somaliland.

Hargeysa(RH):-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si qoto dheer uga xog-warramay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, waxana uu shaaca ka qaaday inay korodhay baaxadda abaarta saamaysay dadka iyo duunyada ku dhaqan Somaliland.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka Dalka Ingiriiska Kate Foster oo safar shaqo ku timid Somaliland.

Waxaana Kulankaa lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii dawladda Ingiriisku guud ahaan Somaliland uga taageeri lahayd masiibadii gubashadii suuqa waaheen iyo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen taakulaynta abaaraha dalka ka jira.

Hargeysa(RH):-Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtey inay waxbarasho lacag la”aan ah siinayso dadka aan la xaadkoodu dhammeyn ee baahiyaha gaarka ah qabba, iyo kuwa hayntooda dhaqaale hooseyso ee danyarta ah.

Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland ayaa wareegto ku soo saartay in lacag la’aan laga dhigayo waxbarashada dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray baaq caalami ah oo  loogu talo-galay in taageero loogu raadiyo dadkii ay saamaysay musiibada dabka ee dhawaan baabi’isay suuqa weyn ee Waaheen, baaqaas oo ku socda beesha caalamka, kuna lifaaqan tahay warbixinta hordhaca ah ee ay soo saareen guddida taakulaynta heer qaran ee dadkii ku waxyeelloobay suuqa Waaheen.