Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Jabuuti(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii Uu Hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay dalka Jabbuuti, ayaa waxa qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

 

Hargeysa (RH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa sheegay in aanay dawladda Shiinuhu u yeedhin karin dalkiisa cidda ay la yeelanayaan xidhiidh diblomaasiyadeed maadaama oo JSL tahay dal madax-bannaan.

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku dhaariyey, masuuliyiin kala duwan oo isugu jirta wasiirro, wasiir-ku-xigeenno iyo madax katirsan hay’adaha madaxa bannaan ee dalka oo dhawaan ay ansixiyeen golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Hargeysa(RH):-Fadhigii 86aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominaayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Bixii Cabdi, kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa golaha wasiirrada ay fadhigoodii maanta kasoo saareen go’aammo muhiim ah oo ku saabsan qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo dooddii ay Baarlamaanka dalka UK ka yeesheen madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Hargeysa(RH):-Fadhigii 85-aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi. Ugu horayn madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa golaha war-bixin ka siiyey halka uu marayo Mashruuca JPLG-gu, safarradiisii uu ku tagay Imaaraadka Carabta iyo Hindiya.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay xarunta cusub ee maaraynta biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo biyo-xidheennada oo ay hirgelisay wakaallada biyaha Hargeysa.

Munaasibadda xadhig-ka-jarista xaruntan cusub, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, maareeyaha wakaallada biyaha Hargeysa, safiirro, aqoonyahanno iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.