Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horraysay si waafi ah uga hadlay furista Ururada Siyaasada iyo axsaabta qaranka Somaliland oo maalmihii u dambeeyey hadalkayteedu taagnayd isla markaasina ay ka biyo diideen axsaabta mucaaridku.

Madaxweynaha  Somaliland wuxuu sheegay inay Furan-yihiin Ururadii Siyaasadu  , waxaaanu ku baaqay in la ixtiraamo xeerarka iyo Dastuurka dalka.

Hargeysa(RH):-Koomishanka xuquuqal insaanka Qaranka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku qabtay Shir ku saabsan xal u helidda maxaabiista muddo dhaafka u ah xuquuqaha madaniga ah.

Kulankaasi waxa  ka soo qayb galay,  guddoomiyaha maxkamadda racfaanka, taliyaha ciidankan asluubta, xeer ilaaliyaha gobolka Maroodijeex, saraakiil  ka socday ciidanka asluubta, booliska, xafiiska xeer ilaalinta, hay’addaha caalamiga ah iyo ururada bulshada.

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, mudane Jamaal Caydiid Ibraahin, ayaa sheegay in saameynta dunidda ee xannuunka Covid-19 in u sababay kor’ukaca maceeshada, isla markaana aanay xukuumadda iyo ganacsatadu aanay saameyn ku lahayn kor u kacaasi.

Waxaanu sidan ka sheegay mar uu hortagay guddida joogtada ah ee golaha guurtida, oo  ugu yeedhay  kulan ay  su’aalo kaga weydiinayeen shaqada  uu Qaranka ugu  igman yihiin.

Hargeysa(RH):-Wasaarada deegaanka Somaliland ayaa shaacisay in ay tiro-koob ku samaynayaan noocyadda kala duwan ee duur joogta lagu haysto hudheeladda iyo meelaha kale ee magaalooyinka dalkoo dhan.

Waxaanay diiwaangelintaasi ka fulinaysaa wasaaradu afarta gobol ee  kala ah Maroodijeex, Awdal, Saaxil, iyo Togdheer, kuwaasoo la soo diiwaangelin doono dhamaanba wixii duur joog ah ee ay shacabku haystaan.

Hargeysa(RH):-Shirweynihii labaad ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa maanta lagu soo gabogabeeyey Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa, waxana lagu doortay hoggaanka xisbigaas ee shanta sannadood ee soo socda hoggaamin doona xisbigaas.

Hargeysa(RH):–Hoggaanka hawlgelinta ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland Gaashanle sarre Ibraahim Cabdi Xaaji, ayaa mid mid isku dultaagay tirada guud ee danbiyadii sannadkan 2021 ka dhacay gudaha Somaliland.

Tirrada guud ee danbiyada Somaliland ka dhacay sannadkan 2021 waa 19,230 danbi, waxaa been noqday 4,400, waxa laga heshiiyay 6,085, waxa baadhis ku jira 1,077, waxaa maxkamad la horgeeyay 7,668, waxa la xukumay 6,034, waxa wali gar suge ah 1,634 danbi.

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-772/112021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;