Akhriso Sheekada Barre Jimcaale Xalane

“Waxaan ku dhashay, kuna soo barbaaray baadiyaha deegaanka Mareergur oo 28 KM dhanka waqooyi-bari uga beegan degmada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys xooladhaqato ah oo aan xoog u ahaa. Aabbahey ayaa ii billaabay Qur’aanka, wuxuuna i baray ilaa jallaad Khamiisaad. Ka dibna waxaan u soo wareegay Mareergur oo aan ka dhammeystay Qur’aanka, kana raacday kutubbo diini ah.

Sanadkii 2000 ayaan Muqdisho soo galay anigoo 14 jir ah. Taar ku yaallay xaafadda Ex Kontorool Balcad ayaan shaqo ka helay. Gelinka hore taarka ayaa jooji jiray, galabkii waxaan bareefad ka dhigtan jiray xisaabta, luqadda Ingiriiska, iyo gargaarka degdegga ah. Habeenkiina waxaan caawin jiray walaalkey oo xaafadda SOS ku lahaa farmashiye 𝐅𝐚𝐲𝐚𝐝𝐡𝐚𝐰𝐫.

Markii ay 2007ᵈⁱⁱ Muqdisho soo galeen ciidankii Itoobiya ayaan u qaxnay magaalada Dhuusamarreeb oo aan farmashiyihiina u rarnay. Hay’adda Bisha Cas oo aan si mutadawacnimo ah kula shaqeyn jiray ayaan tababarro ka helay. Waxaana khibrad fiican u helay gargaarka degdegga ah sida tolliinka iyo dhayidda dhaawacyada.

Xarunta caafimaadka Fayadhawr oo ay ka hawlgalaan dhakhaatiir takhasusi ah waxay sidoo kale isu xilqaantay oo ay kaalin hoggaamineed ka qaadataa wacyigelinta bulshada deegaanka, waxaana markii uu soo ifbaxay caabuqii safmareenka ah ee Coronavirus olole wacyigelin ah ka fulinnay Dhuusamarreeb iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Waxaan ahay wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Mashruuca 𝐖𝐚𝐥𝐚𝐚𝐥 𝐀𝐟𝐮𝐫𝐢, oo ay magaalada London ka aasaaseen qarbajoog samafalayaal ah oo ramadaan kasta iska soo aruuriyo qaaraan aan ku afurinno kumanaan danyar ah oo ku nool 27 magaalo oo ku kala yaalla gobollada Dalka.

Aniga iyo dhallinyaro saxiibbadey ah waxaan 2019ᵏⁱⁱ Dhuusamarreeb ka aasaasnay hay’adda samafalka 𝐆𝐚𝐫𝐠𝐚𝐚𝐫 oo ka shaqeysa waxbarashada reer miyiga. Waxaana ilaa hadda ku guuleysannay in aan miyiga ka dhisno 12 iskuul oo ay si bilaash ah carruurtu wax ugu bartaan. Waxaan sidoo kale deegaanadaas ka hirgelinnay xarumo caafimaad oo daryeel iyo daweyn bilaash ah siiso hooyada iyo dhallaanka reer miyiga.

Alle mahaddiis, maanta waxaan ahay aabbe isku filan, qoysas kalena ku tiirsan yihiin. Dhakhtar ma ihi, weligeyna ma sheegan oo aqoonteeda ma lihi. 8 sano ka hor ayaan go’aansaday in aan dhigto waxbarasho nidaami ah. Waxaa hadda ii socdo imtixaanka fasalka 12ᵃᵃᵈ. Waxaana iga go’an in aan sanadkaanba jaamacad galo, kana takhasuso cilmiga caafimaadka.”

Waa Sheekada Barre Jimcaale Xalane oo ka mid ah ardayda imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12ᵃᵃᵈ ku galaysa magaalada Dhuusamarreeb.

W/Q:Xuseen Sabriye

Category