Dagaal beeleedyo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay gobolka Mudug

RH: Ugu yaraan soddon qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Mudug, gaarahaan inta u dhaxeeysa deegaanka Saxa-qurun iyo degmada Goldogob.

Dagaalladan ayaa salka ku haya deegaanka iyo daaqa, waxaana labada dhinac ay sheegayaan in dhowr jeer lagu guuldaraystay in la joogteeyo heshiisyo la gaaray.

Nabadoonnada ayaa sidoo kale sheegaya in ay hadda diyaar u yihiin in la dhameeyo khilaafka iyo waxyaabaha keenay dagaalka maadaama mar walba khasaaruhu sii kordhayo.

Category