Maxaa ku soo arkay 4 Caasimaadood oo ku yaalla Yurub?!

Muddo labo isbuuc ah waxaan joogay yurub, waxaan isku maray afar caasimadood oo yurub ah (Rome, Stockholm, Helsinki, Amsterdam) waxyaabaha aan aadka ula yaabay waxaa ka mid ahaa;

Marka aan Rome imaaday nin talyaani ah oo taxi leh ayaa isoo doonay, ninkaas ingriis kuma hadlo, talyaani kaliya ayuu ku hadlaa, google translate ayaa wehelkiisa ah oo macaamiishiisa kula hadlaa.

Waan is wareysanay aftalyaani marka uu igu jawaabayo waxyaabo qaar ayaa dhagahayga maqli jireen, oo qofka xamar ku koray talyaani badan waa maqli jiray, sida; Buongiorno, tutto bene, Come stai, iyo inyaro kale oo aan maqli jiray. Mar isaga oo carreysan ayaa hal mar ku qeeliyay “vaffanculo” intaa soo jeesta ku iri war waan maqli jiray ereygaas oo odayaasha Soomaalida ku caytami jiray! Intu qoslay ayuu translate ka iigu qoray hadii aad halkaan sii joogtid si fudud baad af talyaani ku barran doonta. Waxaan mar weydiiyay coffee Starbucks, intuu xanaaqay english jajab igu jawaabay; Amercan Coffe is disgusting, you are in espresso land! Qac ayuu ka yeersiiyay Statbucks.

Talyaanigu waa dal aad u da’ weyn, dadkiisuna badankood waa waayeelo, ereyga vecchio oo aan ugu dhawaaqno weekiyo waa qof da’ ah, Rome ayaa ku arkeysaa dal weekiyo ah dadkiisana ay sidoo kale weekiyo yihiin.

Stockholm ayaa imaaday waa magaalo ay ku badanyihiin Soomaalida, swedishkuna waa dad furfuran balse ma gaaraan hollandeeska. Waxaan aad uga helay guud ahaan stockholm iyo Rome sida jidadka iyo laamiyada loo dhisay oo yurub oo dhan ka simantahay, haba sii kala quruxbadnaadaane, balse waa dal dhismo ahaan aad u hormarsan. Waxaan aad ula yaabay guryaha ciriiriga ah oo ay ka wada simanyihiin, oo laga dhisay alwaaxyo, qoyska Soomaaliga ah lagum qiyaasin guryahaas, waxaa lagu qiyaasay qoysaska caddaanka ah.

Stockholm waliba aagga la yiraahdo Kista galleria oo loogu dhawaaqo Shista waa meel kulmisay Soomaali badan, dad waa hore kugu dambeysay ayaa si kadis ah ku arki kartaa.

Helsinki, Finland ayaa doon u raacay, doontu waa Mall guurayo tukaamo iyo maqaaxiyo leh 12 saacadood ayaa saarnaanaysa, balse ma dareemaysid qol ku gaar ah oo sariir leh ayuu qof walba leeyahay. Finland waa dhul weyn dadkiisuna aad u yaryihiin, waxaan ku safray illa 500km gudaha finland dadka aad arkeysid waa koobanyihiin, waxaa lagu qiyaasa dadka daggan illa 5M. Balse waa dal wada cagaar ah oo qurux badan, si cajiib ah loo dhisay, jidadkiisa iyo magaalada oo dhan. Cidlada Finland aad ayey iiga cabsiisay oo markaan soo galay magaalo la yiraahdo Lohja oo lagu dhawaaqo Lohya waxaan dareemay walwal sida qof meeshaan daggi doono oo nolol cusub ka bilaabi doono, anoo is weydiinaya sideed cidladaan ula qabsan lahayd.

Amsterdam ayaa imaaday run ahaantii airportka magaaladaas waa ka hormarsanyahay kuwii aan soo arkay, dalkana waa qurux badanyahay, dadka Hollandeeska ah waa dad aad u furfuran oo dhoolacadees badan, ma ahan sida Finland oo ah dad aamusan oo aan hadlin. Amsterdam iyo Netherlands oo dhan waa dhul yar oo biyo ka dul dhisan dawladda waxa ay aad ugu mashquulsantahay dhul iyo helidda deegaanno ay dajiso dadkeeda, axsaabta dalka ayaa arrintaas aad ugu ololeeya, sababtoo ah dhulka ayaa aad u yar dadkana waa badanyihiin.

Dalalkaas aan soo maray waa kuwa aad u hormarsan waliba dhanka dawladnimada, waa dal canshuurtu tahay isha kaliya ay dawladdu kharashaadkeeda ka bixiso, adeeggyada caafimaad, daryeelka bulshada, iyo guriyeynta iyo shaqo siinta dadka shaqo la’aanta ah, taakuleenta dadka dakhligooda yaryahay, intuba waa adeeggyo ay dawladda bixiso. Sidoo kale waxaan aad uga helay sida uu ushaqeeyo public sector oo ah mid tiknaloojiyad ku dhisan oo dadka oo dhan waa wada diiwaangashanyihiin, halka ay ku noolyihiin iyo shaqada ay qabtaan, iyo dakhliga soo galo. Waxwalbana waa digital, si fudud ayaa adeegga aad rabtid ugu helaysaa adigoo gurigaaga jooga ama ballamo u qabsan kartaa. Waxaad dareemaysaa in aqoon iyo juhdi dheer la galiyay nidaamka dawladnimo ee Yurub.

Nidaamka Canshuurta ayaa ah mid aad looga cawdaa dalalkaas, waxaana lagu qiyaasa in mararka qaar 50% dakhliga qofka ay dawladda qaadato. Dawladdan waxaa ay ku bixisa adeegyo iyo mashaariicda hormarinta iyo difaaca iyo daryeelka bulshada. Canshuurtaas culus ayaa loo tiiriya in ay la dagtay waxsoosaarka guud iyo midka gaar, oo waxaa inta badan dhaco in dadka ay la baxsadaan rasalmaakooda oo dalal kale ay maalgashtaan si canshuurtaas culus uga bad-baadaan, ama ay raadiyaan habab ay uga baxsan karaan canshuurta.

Waxaan aad u taageeri jiray nidaamka dhaqaale ee dalalkaas aan soo booqday ee loo yaqaan Social Democracy oo ah isku dhaf Socialism iyo Capitalism (hantiwadaag iyo hantigoosad isku dhafka ah) balse marka aan arkay sida ay dadka ula daala dhacayaan canshuuraha faraha badan, iyo dhaqaala yarida ay sababtay, iyo sida dadka cadaadisa loogu hayo oo hormar dhaqaale aysan sameyn karin sabab la xiriira nidaamka dhaqaale ee dalka, waxaa illa qumanaatay in nidaamkaan xal u aheyn dawladaha soo koraya. Dawladaha canshuurta ku tiirsan waxa ay culeys ku hayaam dakhliga muwaadiniinta, iyo guud ahaan wax soosaarka guud ee dalka GDP, sababtoo ah hadii qofka 50% dakhligiisa ay dawladda qaadato, inta soo hartayna laga rabo kiro, iyo adeegyads korontada iyo biyaha iyo noloshiisa kale waxa save u noqonayo ma jiro. Dadka dakhliga yar ee la kabo iyaguna waa lala socdaa sida ay u maareeyaan lacagaha la siiyo, waana lala xisaabtama. Nolosha sidaas u culus qofka waxa ay ku qasbeysa in uu shaqeeyo waqti dheeri ah, si uu u helo dakhli badan, balse wali waxaa eryana canshuurtii oo mar walba uu dakhligiisa kordho canshuurtiina waa korortaa.

Waxaan maqli jiray dadka yurub ku nool oo dhahaya war halkaan nolol ma taal! Iguso orod ma ahan yurub! Alleelehe waa runtood! Oo hadii aad aragtid saaxiibkaagii yurub ku nool oo isbeddaly hala yaabin, daruufo adag ayuu ku noolyahay.

Iskuso koob, haatan waxaan dib ugu laabanaya dalkaygii aan ka imid, anigoo madaxa ku haya sida aan u dib-dhacsannahay iyo heerka ay gaareen dawladaha aan so arkay. Tolow imiso sanno ayaa dalkeena ku dhisi karnaa hormar dawladeedna ku tallaabsan karnaa? See less

W/Q:Cumar Cali Basha

— in Milano, Italy.

Category