Sawirro: Jigjiga oo maalintii labaad uu ka socdo Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta

Jigjiga (RH)-Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida waxaa maalintii labaad ka socda bandhigga caalamiga ee buugaagta, waxaana ka qeybgalaya masuuliyiin, qorayaal, abwaanno iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid dhammaan dhulka Soomaalida iyo dibadda.

Waa markii labaad oo bandhiggan lagu qabto Jigjiga, waxaa sannadkan hal ku dhig looga dhigay ''Kobcinta Sooyaalka'' oo ujeedku yahay in la isla fallanqeeyo caqabadda ka jirta keydinta iyo uruurinta taarikhda Soomaaliya iyo sida loo kobcin karo.

Bandhigga waxaa shaley daahfuray madaxweynaha dowlad deeganka Mustafe Muxumad Cagjar, waxaana ka qeybgalaya qoraayaal caan ah sida Prof Cabdalla Cumar Masuur oo ah guddoomiyaha akadeemiye gobolleedka Soomaaliya, guddoomiyaha bandhigga buugaagta Jabuuti,Cumar Yuusuf Cali, Macallin Siciid Saalax Axmed iyo Ayaan Maxamuudo o ka socota Bandhigga Fanka iyo Suugaanta ee London.

Bandhigga oo socon doona saddex cisho ayaa waxaa la soo bandhiggi doonaa buugaag kala duwan oo ay qoreen Soomaali iyo ajnebi, sidoo kale dooddo iyo aqoon is weydaarsi ayaa la qaban doonaa kuwaasoo looga hadlayo mowduucyo kala duwan sida kobcinta iyo tayada waxbarashada, maalgashiga dhulka Soomaalida iyo keydiinta taarikhda Soomaaliya.

Jigjiga oo maalintii labaad uu ka socdo Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Bandhigga buugaagta Jigjiga oo maalintii labaad galay Bandhigga buugaagta Jigjiga oo maalintii labaad galay Bandhigga buugaagta Jigjiga oo maalintii labaad galay Bandhigga buugaagta Jigjiga oo maalintii labaad galay Bandhigga buugaagta Jigjiga oo maalintii labaad galay

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi-Kenya

Category