Warqad Furan: Waalidiinta carruurta dhigta xannaanooyinka degmada Kolding,

RH: Mararka qaar waxaan dhib ku qabnaa inaan carruurteena kaga tagno xannaanooyinka oo aan shaqada u tagno anagoo xasilloon. Sidaas waxaa qabta Kirsten Østergaard Knudsen (Guddoomiyaha guddiga waalidiinta ee xannaanada Kildemosen), Maria Gangelhoff Schäfer (Guddoomiyaha guddiga waalidiinta ee xannaanada Kastaniegården) iyo Camilla Rom Eskildsen (Guddoomiyaha guddiga waalidiinta ee Hejls Børnehus).

Marar badan ayaan aragnaa inaysan jirin barbaariyaal ku filan oo sii xannaaneynkara  carruurteena inta aynu ka maqanahey. Mar walba marka saacadu tahay 1:00 duhurnimo, tirada dadka qaabilsan carruurta way yaraanaysaa taas oo keenaysa in tayada xannaanada ay hoos u dhacdo.

Arrintan waxay dhibaato ku tahay nolosha shaqadeena, sababtoo ah ma suuroobayso in carruurta aan soo xanaanada kasoo doonano waqtigaas maalin walba.

Markaanu booqano xannaanoyinka, waxaan aragnaa carruurta oo muddo dheer ku fadhiya musqusha iyagoo aan helin caawimaad. Waalidiinta ayaa laga codsadaa mararka qaar inay caawiyaan goobaha xannaanada, sababtoo ah barbaariyaashii ayaa mashquul ah oo xalinaaya dhibaatooyin kale.

Markaan soo qaadano carruurta, waxay nagu adkaataa inaan helno barbaariyaal yaqaan carruurteena. Barbaariyaashii  waxay u muuqdaan kuwo la daalaa dhacaya xaaladda. Sidoo kale waxaan aragnaa dhalinyaro aan tababar lahayn oo carruurta lagaga tagey xilliyada ugu dambeeya ee maalinkasta.

Xaaladahaas ayaa sababay dhacdooyin halis ah: Labo carruur ah ayaa ka booday gidaarka xannaanada, waxaana ogaaday waalid kale oo aan awoodin inuu la xiriiro shaqaalaha. Dhacdo kale ayaa ah ilmo ku lagu ilaabey bannaanka xannaanada muddo 45 daqiiqo ah. Dhacdo saddexaad waxay ku lug leedahay ciyaar halis ah oo ilmo iskaga duubey xarig qoortiisa oo uu dhaawac halis ahi ka soo gaadhay.

Waxaan aad uga walaacsanahay, ugana niyad jabsanahay xaaladan oo waxaan rabnaa in si dhaqso ah wax looga qabto. YAA ka fekeraya carruurteena degmada, yaase dammaanad qaadaya in tirada ugu yar ee shaqaalaha xannaanada la helo?

Category